Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
Hassan Siciid Yuusuf halyey u qalma Mansab Wasiir Kana Balaadhan Xog-haye guud oo Xisbi.

Qalinkii Duale Fuuraa.

Inta aanan u gondo degin arartan mugga leh ee maqaalkan, aan inyar faalo ka bixiyo Xasan Siciid Yuusuf oo hadda ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE waxaan aqoon fiican u lahaa muddo ku siman 2 Sanno. Muddadaas dheer waxaan qirayayaa inuu ka mid yahay foolaada ku suntan u adeegista bulshadiisaa iyo ka midho-dhalinta himilada guud ee Qaranka

Xasan Siciid waa Halyey qaran oo aan odhan karo waxa uu ilaahay ku manaystay Sifo madaxeed marka aad eegto shakhsiyadiisa qof ahaaneed, hadii ay tahay run sheegnimo, daacadnimo, hawlkarnimo, Wadaniyad, go’aan qaadasho, dhaqan wanaag iyo asluub wanaag, dulqaad iyo samirka in badani xassan ku taqaano, xassan Siciid waa nin leh dad dhaqasho iyo ku tabarucaad u ku tabaruco wakhtigiisa inta ugu badan. Xassan siciid ma amaanayee waxaan qabaa inuu yahay “Halyey Qaran” oo mudan in la xuso inta uu nool yahay markaad u qiimaysid dhibaabihii kasoo gaadhay geesinimadii mihnaadkiisa saxafi iyo sidii uu in badan ugu tafaxaytay hurumarinta saxaafada iyo xoriyatul qawlka. Waxaan sidoo kale aaminsanahay in xassan Siciid u qalmo mansabyo ka sareeya Xoghaye Guud, sida heer Wasiir marka loo eego sifihiisa madaxeed, aqooneed waayo-aragnimo iyo kartiyeedba.

Hadii aan intaas uun ku dhaafo inaan saaxibkay xassan Siciid aan ka waramo, waxa kalifay inaan qalinka iyo warqadan isu soo qaato ayaa waxay tahay hadal uun kasoo yeedhay Maan-Gaab, Qalin-Duure ah Eex iyo Sokeeyenimo ay Gole keentay waa A/kariim xinif oo ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen, in Xassan Siciid ahaa mid kamid ahaa taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo in ay khaldan tahay in uu gudoomiyaha xisbiga kulmiye uu iska magacaabo xassan Siciid. Aad baan uga xumaaday in hadaladaas aan meel loo dayin ee kasoo yeedhay Xinif, waxaanay arintani ay damaqday aniga iyo inta badan sida wanaagsan u fikiraysa, taasoo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyada oo uu taa bedelkeeda ka mid ahaa guddigii kaambaynka Doorashada Madaxtinimada ee heer qaran. Hadaba arinta u horaysaa waxay tahay oo wax lala yaabo ah ah in xassan Siciid maanta lagu tilmaamo inuu ahaan jiray tageere xisbiga kulmiye taageeri jiray halka sida lawada ogyahay uu Xassan wax badan ku waayey kamid ahaanshaha xisbiga kulmiye iyo inuu ahaa tiirarkii ugu adkaa ee xiliyadii lagu jiray halgan kursiyeedkii xisbul xaakimkan kulmiye, waxaanan qabaa adiga Xinifa iyo inta kula garaadka ahiba in aanay soo gaadhin dhibta xassan kasoo gaadhay kulmiye.

Dhanka kale markaad ka eegto waxaan la dafiri karin Hassan iyo rag kale oo farabadan inay u hureen naftooda iyo wakhtigoodii ugu badna sidii uu Madaxweyne Siilaanyo u noqon lahaa madaxweynahii afraad qaranka ee waliba loo doorto si xalaal iyo dimuqraadiba ah, waxana wax ilaahay lagu mahadiyo ah inay rumowday riyadiisii ahayd in tartan iyo xalaal ah.

Dhamaan ragaasi waxay wakhtigooda iyo naftoodaba u hibeeyey in dalkan uu isbadal ka dhaco, kursiga ugu sareeya dalkuna uu nasiib u helo madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale raggaasi uma fadhiyaan manafilayaan in milgahoodu ahaa in la xag-xagto laguna tilmaamo sida xaassan oo kale tageerayaal” Xaashee nin libin kaaxisdiyey xumihii waayaabe” waxaan maaqaalkan kusoo gunaanadayaa heesta geela loogu heeso mararka qaarkood” Ninna Dhuunibuu kuu dhex Joogaa; Ninna Dhaqashuu kuugu Dhabar jabay”


Khadar Hussein
Comments
#1 | mulberrysale on March 16 2013 01:06:33
The Fake Watches womens watch you wife is wearing is another replica watch. Yes there is both male and female replica watch. Most leading brands of famous replica mens watches are in fact a replica watch. Just search the net for Omega Watches and you will find many replica watch sites specializing in only replica watch.
#2 | asicsning on March 23 2013 21:42:33
the culture of a nation, memory is always better tide, after the baptism of history, slowly precipitation down, rather than a man, or a group can come down, the so-called tradition, just the spread of knowledge. Now that you want to cancel their qualification at university, Vibram Five Fingers UK Sale and for them to spread the Chinese culture, not equal to interrupt their hands and feet, and let them operate to give you see? This is how cruel!
#3 | asicsning on April 02 2013 05:28:13
Lai was sent home, his fate has been attention by people, gucci belts uk sale a lot of people said Mr. Lai is a damn, but believe that under the government's commitment to Mr. Lai is absolutely can't die, if he died, hermes belt uk the Chinese government will become an international joke. Therefore, clarisonic mia uk those who look forward to Mr.mbt uk shoes sale Lai early people, the last can only be disappointed.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.