Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo Golaha Wakiillada Horgeeyey Xisaab-xidhka Miisaaniyaddii 2007.
Hanti-dhawraha Guud ee qaranka Mr. Axmed Xasan, ayaa markii u horreysey muddo afar sannadood ah Golaha Wakiillada maanta horgeeyey xisaab-xidhka miisaaniyad-sanadeedkii 2007 ee xukuumaddu laashay ku dhaqankeeda.



Xisaab-xidhka Hanti-hawruhu u gudbiyey Wakiillada oo ah miisaaniyad sannadeedkii 2007 ee xukuumaddu ganafka ku dhufatay ku dhaqankeeda, ka dib markii goluhu ku sameeyey wax-ka-beddel, gaar ahaan kharashaadkii Wasaaradda Maaliyaddu u qoondaysey Qasriga Madaxtooyada, ayaa waxa uu ku sheegay mid loo isticmaalay si habboon oo waafaqsan xisaab-xidhka.



Warbixin dheer oo Hanti-dhawruhu ka jeediyey fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada, isla markaana faahfaahin kaga bixiyey habka loo isticmaalay kharashaadkii u xusnaa odoroska miisaaniyaddii 2007, ayaa ku adkaystay in sifo sharci ah oo aan madmadow ku jirin loo kharash gareeyey miisaaniyadda.



Haseyeeshee, waxa uu indhaha ka qarsaday go’aankii Wasaaradda Maaliyaddu ku dedaafaysey ku dhaqanka miisaaniyaddaas oo ay ku tilmaantay mid aan u cuntamayn wax-ka-beddelkii goluhu ku sameeyey, sidaa awgeedna hay’adaha dawladda ku fartay in ay ku dhaqmaan miisaaniyad sannadeedkii 2006.



Waxa kale oo Hanti-dhawruhu sheegay in xisaab-xidhka miisaaniyad-sannadeedkii 2008 ay dhammaystireen, isla markaana hadda ku jiro daabacaaddii, dhawaana u soo gubin doonaan Golaha Wakiillada.



Dhinaca kale Hanti-dhawre Axmed Xasan ayaan wax su’aalo ah laga weydiin xisaab-xidhka miisaaniyaddii 2007 iyo warbxinta dheer ee golaha ka jeediyey, ka dib markii sida ka muuqatay mudanayaal tiro badan oo marka hore u soo diyaar garoobey in su’aalo kala duwan ka weydiiyaan ka weydiiyaan ay salluug iyo jaahwareer ka qaadeen xisaabaha isdabataxan ee Hati-dhawrku fadhiga ka akhriyey iyo xusuusta diidmadii madaxtooyada ee ku dhaqanka miisaaniyadda xisaab-xidhkeeda hadda loo soo gudbiyey, taas oo ka mid ahayd arrimihii sii kiciyey dacarta khilaafka mudada dheer kala dhex miranaya xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo Aqalka Wakiillada. Sidoo kalena fadhiga maanta laga dareemayey kala qaybsanaan u dhaxaysey xildhibaanada reer UDUB iyo kuwa mucaaridka, iyadoo mudanayaasha xidhiidhka dhow la leh madaxtooyada ay sacab iyo sawaxan ku sagootiyeen Hanti-dhawrka qaranka, halka aqlabiyadda labada xisbi mucaarad wiswis iyo dhabano-hays ku dhammaysteen dhegaysiga warbixinta, dibna u liqeen su’aal kasta oo quluubtooda xaganaysay.



Ugu danbayn Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga guddoominayey, ayaa Hanti-dhawrka uga mahadnaqay xisaab-xidhka ay u soo gudbiyeen, isaga oo ka dalbay in sida sharcigu dhigayo sannad kasta xisaab-xidh sannaadeedkii hore u soo gudbiyaan Golaha bisha June.








Maxamed Xarrago

Salalnews Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.