Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Agaasimaha Dalada SONYO Ka Waramey Shir Uu Kaga Qeyb Galayo Dalka Djibouti Oo Lagaga Hadlayo Sidii Shaqo Loogu Abuuri Lahaa Dhalinyarada
Hargeysa(SNN)Agaasimaha Guud ee Dallada Dhalinyarad Somaliland ee SONYO Mr: Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani). ayaa kawaramey shir uu Dalka Jamhuuriyada Jabuuti kaga qeyb galayo ,shirkaas oo ay soo qabanqaabisey Hay,ada Qaramada Midoobay oo loo qabtey dhalinyarqada sadexda dal ee Somaliland ,Soomaliya ,iyo Djibouti sidii loogu sameyn lahaa shaqo abuuris.

Mr Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) oo Saxaafada ugu waramay madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa ,waxa uu xogwarankiisa siqoto dheer ugu iftiimayaey baahida loo qabo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Somaliland ee dhameystey waxbarashada heer jaamacadeed iyo Dugsiyada sare ee dalka.

Mr: Barawaani isagoo arintaa kahadlaya wuxu hadalkiisa ku bilaabey:"ujeedada shirkani wuxu yahey maadaama oo ay shaqala'aan badani jirto , marka laga hadlayo somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee soomaaliyaba in ay ay hay'ada qaramada midoobay ee la yidhaa UNPOS ay soo qaban qaabisay shirkan Jabuuti oo bilaabmaya labaatanka bisha ilaa sadex iyo labaatanka bishan , waxana lagaga hadli doonaa sidii wax looga qaban lahaa shaqo la'aanta badan ee haysata dhalinyarada iyo doorka ay ka qaadanayaan maal-qabeenadu , inaga shirkani wuxuu ahmiyad inoo leeyahay maadaama dalkeenu nabdgalyo yahay xasilooni iyo dawladi ka jirto hadana ay taalo shaqo-la'aan baahsan oo dhalin yarada haysata iyadoo shirkaasina ay ka soo qayb-galayaan hay'ado badan oo ay ka mid tahay hay'ada qaramada midoobay u qaabilsan shaqaalaha ee ILO (International Labour Organization) iyo waliba ganacsato waawayn oo ka socda shirkadaha ganacsiga ee dalalkaasi " Ayuu yidhi Agaasimaha dalada SONYO .

Waxa kale oo uu intaa ku daray hadalkiisa in dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo uu isagu shirkaa uga qayb galyo lagu casuumay iyagoo matalaya dalka Somaliland waxanu sheegay inuu halkaa ka jeedin doono doorka dhalinyarada Somaliland iyo warbixin ku saabsan xaaladooda shaqo la'aanta iyo fursadaha loo baahan yahay in la abuuro . Agaasimaha SONYO wuxuu daaha ka fayday in hay'adaha qaramada midoobay ee ku sugan Somaliland aanay doorkoodii looga baahnaa ka qaadan shaqo abuurista dhalin yarada iyadoo ay jirto inay isticmaalaan kharash aad u fara badan oo aan ka muuqan waxqabad balaadhan oo kharashkaa lagu fuliyey waxa kale oo uu sheegay in iyagu SONYO ahaan dadaalaan laakiin aanay wada awoodi karin in ay shaqo abuuris sameeyaan taas oo sida uu sheegay ay kala hadleen hay'ado badan oo UN ta ah si aan shaqo la'aanta ba'an ee baahaysaa u noqonin mid sababta nabad-galyo daro .

Dhinaca kale isaga oo ka hadlaya xaalada wakhtigan dalku ku sugan yahay siiba muranka siyaasadeed ee dhinacyada siyaasada ee axsaabta qaranka iyo komishanka ee doorashooyinka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinku inoo qabsoomaan isla markaana ay xisbiyada ku tartamaya hogaanka dalka iyo komishankuba isku sameeyaan tanaasulaad inaga oo ixtiraamayna nabad-galyada iyo hanaanka dawladnimo ee dalkeena ka hir galay , khilaafkana lagu xaliyo sidii kuwii hore loo xallin jiray waxanu anagu soo jeedinaynaa in doorashada si deg-deg ah loo qabto sababta oo ah niyad jab fara badan ayay ku keentay dhalinyarada waxaanay ku dhalisay fikiro dhiiri galinaya tahriibta iyo dhibaatooyinka jira , waxaynu taaganahay halkii ugu danbaysay ee rajada mustaqbal ee dalka laba biloodna lama awoodi karayo in dib loo dhigo doorashada waxa aan u soo jeedinayaa masuuliyiinta siyaasada in ay iska daayaan oo ay joojiyaan hadalada ay warbaahinta isku weerarayaan .

Gabagabadii xog-warankiisa waxa uu xusay Mr: Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) in shirka Djibouti ee uu ka qayb galayo jimcaha bari inay ku weheliyaan Ganacsato reer Somaliland ah oo ay kala qayb galayaan shirkaasi , iyadoo ganacsatadu lafdhabar u ah ujeedada shirka oo cidda dhalin yarada shaqada u abuuri karaysaa tahay ragaa maal-qabeenada ah ee lacagta haysta oo xilligana door wayn ku leh kaalinta shaqo abuurista ee dhalinyarada Somaliland , hase yeeshee ma xusin kuwa ay yihiin ganacsatada shirka kala qayb galaysaa .

Shiine Cilmi Kaahin
Salal News – Hargeysa
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.