Fadhigii maanta ee golahaasi oo uu Guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayey Mudanayaashu ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in sidiisa lagu qaato Ajandaha Kalfadhigooda 11aad oo aan wax dood ah la gelin.
Fadhiga oo ay ka qaybgaleen 48 mudane, ayaa 24 ka mid ahi waxay oggolaadeen in ajandaha sidiisa lagu ansixiyo, 13 xildhibaan oo kalena waxay taageen in dood la geliyo, halka 7 mudane ka aamuseen.
Dhinaca kale, waxa mudanayaashu isku raaceen in goluhu shaeeyo todobaadka oo dhan, halkii markii hore ay ka shaqayn jireen afar maalmood oo keli ah, taas oo ay u sabab tahay dhismaha hadda ay fadhiistaan ee Golaha Guurtida oo isna dib-u-habayn lagu samayn doono, sidaa daraadeed muddada yar ee ka hadhay bilaabida dhismaha ay ka gaadhsiiyaan shaqo badan.
Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa Muddooyinkan danbe shirarkooda ku qabsan jiray Hoolka Golaha Guurtida. Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa todobaadka kala qaybsaday iyada oo Mudanayaasha Guurtidu ay ku shiri jireen Seddexda Cisho ee Todobaadka ugu horeeyay Halka ay Mudanayaasha Wakiiladuna kaga shiri jireen Seddexda Cisho ee ku xiga. arintan ayaana timid markii Dhismihii hore ee Wakiilada la dumiyay oo uu dhiskiisii socdo Dhisme Cusub oo casri ah oo ay yeelan doonaan.