Navigation
Home
Photo Galery
Arabic Music
Quran Karim
Muxaadaro
Salal Tv
Universal Tv
Warsan Tv
The Kroax
Rayo Tv
Random Media





Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Aanu Layelanay Abwaan Weyn Mowliid Aden Qol Qol Qaybtii Koowaad.
Wareysi Aan La Yeelanay maamulaha markiska Salaaxudiin Islaamic Center Sh.cumar Axmed Cumar.
Wareysi Aan La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Shaybaadhka Ee Jamacada Caamuud Dr:maxamed Da'ud.
Wareysi Aanu La Yeelanay Maamulaha Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab Mustafe Muxumed Alabari.
Wareysi Aani La Yeelanay Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ee Jaamacada Camuud Prof: Yurub C/raxman Muumin.
DR. Ali Sheikh Ahmed Abubakar(Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho) oo aan la yeelanay waraysi khaas ah .Q1aad,

No News
,
Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha da’da yar ee madasha akhriska ee maskaxmaal mudane “C/laahi Xuseen Caateeye”
waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aan layeelanay gudoomiyaha madasha akhriska ee maskaxmaal mudane c/laahi xuseen caateeye. Waraysiga oo aan kula yeelanay xafiikiisa uruka says ayaa ugu horayn waxa aan waydiinay

S: goorma ayaa la’aas aasay naadiga akhriska ee maskaxmaal ?

c/laahi: waxaa loo aas aasay naadigan akhriskan taariikhdu markii ay ahayd 5/2008 waqtigaa ayaa la ‘aas aasay madasha markaa waxaa ay jirtaa saddex sano oo wax yar la

S:ayaa lahaa fikrada aas aaska naadiga akhriska ee maskaxmaal ?

C/laahi: waxaa lahaa macalimiin iyo arday kasoo jeeda jaamacada Camuud kuwaas oo fikir ahaan isku waafaqay in ay aas aasaan madal dadka oo dhan u siman taasi oo lagu soo bandhigo buugaagta lasoo qoray iyo kuwa lasoo akhriyeyba,kuwaa soo ahaa dhalin yaro iskugu jirta wiilal iyo hablaba

S: hadafkiinu ma ahaa kaliya in aad dhalin yarada aad ku dhiiiri galisaan wax akhriska ?

C/laahi :run ahaantii hadafkayagu waxa uu ahaa sidaa aad xustay balse waxaa hada isku daynaa in aan soo saarno qorayaal ubadan dhalinyaro
S: waa imisa tirada xubaha madasha akhriska ee ma

skaxmaal ? imisaa raga imisaana haween ah?

C/laahi: waxa ay ka kooban yihiin xubnaha maskaxmaal guud ahaan 15qof oo ay 6 haween yihiin inta kalena ay hablo yihiin,

S: dhamaantood maa waxay wada joogaan magaalada Boorama ?

C/laahi: maya ee waxa ay kala joogaan magaalooyin kala duwan sida London,Boorama,Hargeisa iyo magaalooyin kale markaa waxaan ka wada xidhiidhnaa kaliya hal email oo aan iska la soconaa halka ay wax marayaan iyo sida ay hawshu u socoto markaa inta naga maqan waxa ay ka maqan yihiin uun joogitaankii balse wax walba way nala socdaan

S: mudane gudoomiye waxaad wax yar aad naga xasuusaa sida ay madashu ku bilaaban tay iyo heer ka ay maanta marayso ?

C/laahi :run ahaantii waxaad mooodaa in waqtiyadii hore aan samayn jirnay cards oo aan dadka u qay qaybin jirnay ,markii dambe waxaan ogaysiisyo ku dhajin jirnay meelaha ay dhalin yaradu ku kulanto iyo meelaha cashirada lagu xadido .maantana waxaad moodaa in ay dadku barteen oo ay laqabsadeen oo ay iskood u yimaadaan.

S: ma jirtaa wax xidhiidha oo idinka dhexeeya madalaha kale ee ka jira magaalooyinka kale ee dalka S/land ?
S: majirtaa cid idin caawisa oo aad ka heshaan caawimo?

C/laahi :run ahaantii sideedaba anagu waxaan nahay dhalin yaro is xilqaamatay oo si muta dawacnimo ah ku sheqeeya wixii aan ka bixin kari wayno jeebkayaga waxaan la kaashanaa shirkadaha ka jira gobolka sida:Telesom, Telcom,Dahabshiil, waxaa iyaduna tageerada ugu badan nasiisay jaamacada camuud oo noogu deeqday holkan aan ku qabsano bil walba

S: yey ubadan yihiin dhalin yarada soo jeedisa baraamujyada ma kuwa jaamacada mise kuwa dugsiyada sare ?

C/laahi: walaahi waxaad moodaa waqtiyadii hore in ay ubadnaayeen barnaamujyada lasoo jeediyo ardayda jaamacada balse hada waxaad moodaa in ay ardayda dugsiyada sare ay kaalintoodii ay soo kaabayaan.

S:inta badan waxaad moodaa in ay habluhu ku yar yihiin wax soo jeedinta markaa maxaa ugu wacan ayaad isleedahay mudane gudoomiye ?

C/laahi: run ahaantii waa ay jirtaa in ay habluhu ku yar yihiin wax soo jeedinta,laakiin lama odhan karo waxa ay ka gaabiyeen kaalintii hablaha waxaad moodaa in ay waxooga ay yara xishoonayaan oo kaliya,inkastoo ay jiraan halbo raga ka karti badan oo wax soo bandhigay.

S: inta badan sida aan aragno ardayda wax soo jeediya waxaa ay u badan yihiin aarday dhigta.

jaamacada camuud halka ay inta intaa kasoo hadhina ay tahay ardayda dhigata dugsiyad sare ,maxaa ku dhacay kaalintii ardayda jaamacada Eelo ,ma iswaydiiseen saabata ay uga soo qayb gali waayenn?

C/laahi: run ahaantii waa su’aal adag magaran karo waxa ku dhacay laakiin wax aan ku soo koobayaa waa ay soo socdaan.

S:maxaad isleedahay waad ku soo kor dhiseen horumarka gobolka Awdal iyo magaalada Boorama?

C/laahi:horta waxaan isleenahay waxaad ku soo kordhiseen gobolka horumar balaadhan maxaa yeelay waa madashii ugu hooraysay ee laga hir galiyo magaalada Boorama tasi oo ahna maanta madasha ugu caansan, sidoo kale waxaan dhisnaa korodhka maskaxda da’yarta soo koraysa oo aanu tusnaa in ay haboon tahay in wax la akhriyo waxna la qoro

S: dadku waxaa ay idinku xantaan in aad ka gaabisaan kaalinta siyaasada oo aanad u o galaan buugaagta ka hadlaya siyaasada in la soo jeediyo,suugaantuna ay u furan tahay madashu ma jirtaa arintasi ?

C/laahi:way jirtaa arintaasi maxaa yeelay ,sida aad ka war qabto caalamka siyaasadu waa furan tahay in laga hadlo ,laakiin mandiqadan aan ku nool nahay waa ay cakiran tahay in laga hadlo siyaasad taasiyoo aad moodo in si kale loo dhigo waqti xaadirkan ay jiraan arimo xasaasiya

Fankase haa waan siidaynaa oo waa lasoo jeediyaa buugaagta ku sahabsan waxaana soo jeediya abwaano iyo ardayba

S: waqiyadan dambe waxaad moodaa in ay dadkii sidii hore u imanay maxaa taa ugu wacan oo aan inta badan lasoo jeedin buugaag ?

C/laahi :dabcan waa jirtaa arintaasi laakiin dhabaatadu waxaa ay ka taagan tahay dadweynaha oo aan inta badan waxba soo jeedin

S: maxaa fariin ah oo aad ugudbinaysaa dhalin yarda dal iyo dibadba ?

C/ laahi:waxaan leehay waar hanku dadaalno midnimada iyo horumarka waxaan idinku dardaarayaa dal iyo dibadba inaad ku dadaashaan wax akhriska iyo wax qorista





CabdulCasiis Cabdulaahi
Salalnews Boorama
Comments
#1 | asicsning on March 23 2013 21:38:16
she says, the extension of Chinese culture, mbt shoes uk the farmer is a kind of inheritance, we can't say it's just behind, you should be from a new Angle to look at the countryside, don't you know farm on the octogenarian old man is more than we have culture! Somebody else sit inside field, fake gucci belt see day, will know that it won't rain, the harvest is good. We have this ability? We don't have, so we on the view of culture, Vibram Five Fingers Shoes not to say that we take what kind of diploma to theory of matter.
#2 | YK485 on May 20 2013 01:46:33
replica handbagsPreviously, the top ten brand handbags designer clothes and accessories. The bag is now publicly known as the highlights of the clothing. "Package" to conquer the world, handbags, indeed, use and dress mentioned different connotation and temperament.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo
Proff.Axmed Ismaacil Samatar Jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Oslo kula kulmay Jaamacada Oslo..(Sawiro)
Openion / Fikrada
'Ninna dhuunibuu kuu dhex joogaa; Ninna dhaqashuu kuugu dhabar Jabay'
MUWAADIN/MUWAADINAD 1$ UGU TABARUC WADDADA BOORAME IYO HARGEYSA ADIGA I...
TOLNIMO WAA DUGSIYE YAAN LA ISU KEEN DIRIN
Bulshooy codkaagii ma kootiyo wareegto la eedo buu dhalay!
Congratulations to AMAAL Xaaji A. Miisaan
MADAXWEYEN SILAANYO MA ISAGA LIBAAX KA AH HARGIESA MISE DHAB LIBAAX BUU ...
Should Somaliland allow the formation of a unionist party?
Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira
Maalinta Hooyada By Bashir Goth
Somali music between Maryan Ali’s refined taste and Al Shabab’s phil...
Message To Awdal People (Conference in Minesota) By: Dr Mohamed-Rashid
Taageerada Sangub ee KULMIYE waa haad geed waayey iyo riwaayadiisii .Xuu...
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.