Hargeysa 16 May 2012 (SNN)- Maxkamadda Ciidamadda Qaranka Somaliland ee darajada kowaad, ayaa xukunno adag oo ay ka mid yihiin dil iyo xabsi daa’im ku riday kooxdii laga qabtay maleeshiyadii shalay weerartay xerada Madaafiicda Goobta ee millatarigu ku leeyahay magaalada Hargeysa ee hore u ahayd wershadii Kabka, halkaas oo dagaal ka dhacay ay ku dhinteen 8 qof oo isugu jira saddex ciidanka ka ah, saddex maleeshiyada ka mid ahaa iyo laba qof oo shacab ah.
Hargeysa 16 May 2012 (SNN)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa doorasho tijaabo ah maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen dad cayiman, isla markaana ku eekayd hal maalin.
We (Naadiga bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga) were terribly and deeply saddened to hear about the sudden death of Dr.Abdishakur Sh. Ali Jawhar. While we know that all people are given to us by Allah for but a limited time, it is still difficult to accept the death of a loved one. Our heartfelt condolence
Boorama 13 May 2012 (SNN)- Allaah ha u naxariistee Marxuun Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar oo ahaa dhakhtar muhiim u ah reer Somaliland, ayaa maanta ku geeriyooday shil gaadhi kula dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Dilla iyo Boorama ee Gobolka Awdal.
Inaalilaah Wa Inaalilaahi Raajucuun Waxa Maanta Shil Gaadhi Ku Geeryooday Dr C/shakuur sh.Cali Jawhar Oo Ku Takhasusay Xanuunada Dhimirka, Sida ay Warar Xogogaal ah Sheegayaa Dr.C/Shakuur Waxa Gaadhiga La Saarnaa Laba Dumara Midi Xaaskiisii ayey Ahayd Midina Walaashii Lakiin Markii uu Gaadhigu Rogmaday Nasiib Daro Dr.C/Shakuur ayaa Ku Geeryooday Xaga ay Labadii Dumara ay Bad Baadeen.
Dr.Waxa uu ka soo socday Magaalada Hargaysa Waxa uuna ku soo jeeday magaalada boorama Shilku waxa uu dhacay markii uu soo gaadhay deegaanka Della isla Goobtii madaxwayne Siilaayo Shalay Lagu Soo Dhaweeyey
Maamulaha Shabakada Salalbews.com iyo Dhamaan Shaqaalaha Website ka waxay Tacsi Tiiranyo Leh u Dirayaan Dr Cadbishakuur sheekh cali jawhar Ilaahay Janadii Fardawsa haka waraabiyo.
Boorama(SNN). Gudoomiye Ku Xigeenka Urur Siyaasadeedka Wadani Mud:Axmed Muumin Seed Oo Ka War Bixinaya Waxyaabihii u Qabsoomay Kadib Markii ay Ku Guulaysteen Inay Ka Soo Dhexbaxaan 15 Urur ee Kale
Boorama(SNN). Sheekh C/Laahi Sh.Cali Jawhar Oo Isna Ka Hadlay Arimo Fara Badan, Una Soo Jeediyey Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliland Mud:Siilanyo Inuu Cadaalad Ku Dhaqo Reeraha.
Musaasibad si heer sarre loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan qaybaha bulshada sida culumaa’udiinka, Duqayda dhaqanka, dhallinyaradda iyo waxgaradka magaalo madaxda Gobolkaas Saraar ee Caynabo iyo degmooyinka hoos yimaada sida Wadaama Go’o iyo Oog taas oo ay iska kaashanayeen Hay’adda Caalamiga ah ee DRC iyo Hay’adda Wadaniga ah Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO. Munaasibadda waxa lagu soo bandhigay ciyaaraha qalaama-rogadka (Even Show Circus) iyo ruwaayad xambaarsanayd dhambaal muujinayay khatarta tahriibka ee dhallinyaradda.
Boorama(SNN). British Institute of Languege ayaa Hutel Rays Ku Qabsaday Xaflad ay arday ku Gudoonsiinayeen.
Xafladaasi Waxa Ka Soo Qayb Galay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Shirkada Telesom ee Boorama.
Boorama(SNN). Lataliyaha Dhinaca cashuuraha ee Wasaarada Maaliyada ayaa Maaanta Soo Gaadhay Magaalada Boorama Isaga Oo Ka War Bixiyey Tigidhada Cashuuraha ee Dhawaan La Keenaya Dhamaan Gobolada Oo Dhan.
Boorama(SNN) Siminaar Lagu Qabtay Boorama Oo uu soo Qaban qaabiyey Ururka (Promotion of Minorities Political Participation in Somaliland) waxaana Lagag Hadlayey oo lagu Lafa GUray Siminaarkaasi Xuquuqda Dadka Laga Tirada Badanyahay Siday u Heli Lahaayeen.